Dhacdo si weyn loooga hadal hayo magaalada Hargeysa ayey noqotay geeri lama filaan ah oo saaka ku timid haweeney la filayey inuu meherkeeda dhaco isla saaka.
Faadumo Cismaan Adan Dheeg ayaa saaka ku geeriyootay Geeriyootey Magaalada Hargaysa, waxaana socda qabanqaabada aaskeeda xilii lagu waday inay qoys cusub dhisto oo loo fadhiyey meherkeeda iyo arooskii ay geli lahayd.
Faadumo ayaa la sheegay inay u geeriyootay Xanuunka Stroke (Faaliga) oo mar kaliya kusoo booday, waxayna maalintii farxadda isu bedeshay murugo iyo taci ay galeen Qoyskeeda iyo dadkii asxaabta u ahaa.
Dadka ehelka la ah ayaa sheegay in gelinkii danbe ee shalay uu xanuun kusoo booday, lana geeyay isbitaal, iyadoo rajo laga qabay inay soo ladnaato, laakiin saaka inay geeriyootay kadib 8:00 subaxnimo.
Ninka guursan lahaa Khaalid Maxamed Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka yimid Mareykanka, isla markaana la diyaariyey xafladii meherkeeda oo odayaasha ay go’aamiyeen inuu meherku dhaco iyadoo xanuunsan, laakiin ay timid ajasheedii.
Dadka baraha bulshada uga faalooday arrintan ayaa u duceeyay marxuumada, waxayna isla wadaageen in qadartu ka hor martay calafkeedii.

