Friday, March 28, 2025

Haweeney Ganacsato waayeel ahayd oo toogasho lagu dilay Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya dabley hubeysan ay toogasho ku dishay haweeney waayeel ah oo ku ganacsata suuqa weyn ee Bakaaraha.

Haweeneyda la dilay oo maghacaabda lagu soo gaaabiyey Xaddiyo ayaa la sheegay inay da’deeda ku dhoweyd 70 sano jir, iyadoo Shaaha ku iibin jirtay gudaha suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agaagarka Hotel Shaam; waxayna dadka u dhow sheegeen inay muddo aad u dheer halkaasi ku ganacsan jirtay, iyadoo dilkeeda aad looga naxay.

Dabley laba dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysanaa ayaa rasaas ku furay, waxayna goobta ka baxsadeen marklii ay xaqiijiyeen inay geeriyootay. Wararka ayaa sheegaya in Hooyo Xaddiya ay korin jirtay caruur agoon ah..

Ad

Lama yaqaan sababta keentay dilkeeda, waxa uu salka ku hayo; waxayna wararka qaar sheegeen inay mar ka shaqeyn jritay qeybta nadaafadda madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON