Monday, February 17, 2025

Haweeney Ganacsato ahayd oo lagu dilay Magaalada Caabudwaaq iyo faahfaahin..

Dabley hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ku dishay Haweeney ganacsato ahayd xilli ay Gurigeeda ku sii jeeday.

Haweeneyd la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hooyo Foos Aadan Nuure Xuubeey, waxayna wararku sheegayaan in koox hubeysan ay jidka u gashay, rasaasna ku furtay, taasoo keentay inay geeriyooto.

Lama shaacin cidda falka dilka ah geysatay, balse dadka degaanka ayaa laga soo xigta inay ahaayeen koox Burcad ah oo doonaysay inay dhac u geystaan Marxuumada, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay falkan geysteen.

Ad

Maamulka Degmada Caabudwaaq ayaan weli ka halin falkan, iyadoo Ciidmaada Booliska ay wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan burcadii dilka geysatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON