Friday, March 28, 2025

Haweeney dacwad ka gudbisay Xiriirka K/Cagta Somalia oo Muqdisho uga carartay hanjabaad


Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia haweeneyda lagu magacaabo Sheyma Maxamed ayaa sheegtay inay nafteeda kala carartay magaalada Muqdisho, kadib markii ay eedeyn u jeediyay xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

Wareysi ay siisay warbaahinta dibadda oo lagu shaaciyey Shabakadda Tuko ee dalka Kenya, ayey ku sheegtay inay isaga carartay magaalada Muqdisho markii ay soo gaareen hanjabaadyo mnafteeda halis ku ah, taasoo timid kadib markii ay Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA u gudbisay Cabasho oo ka dhan ah Xiriirka K/Cagta ee Somalia, iyadoo ku eedeysay inuu lunsaday dhaqaalihii loogu talogalay.

Haweeneyday oo la aqoon ayaa ayaa bishii hore ku soo baxday war lagu qoray Jariirada kasoo baxda magaalada London ee ‘Guardian’ iyadoo ku baaqday in FIFA baaritaan lagu sameeyo dhaqaale loogu talagalay Gabdhaha K/Cagta oo ay FIFA u soo direen Xiriirka K/Cagta Somalia.

Ad

Waxaa la sheegay in xiriir kasta oo Heer Qaran ah ay FIFA siiso lacag loogu talagalay Haweenka K/cagta ee dalalka dunida oo gaareysa 100,000 ilaa 500,000 oo Dollar, oo ah kharajka hawlgalladda ee ay adeegsadaan Haweenka K/cagta.

Saraakiisha FIFA oo mar sii horeysay la hadlay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London u sheegeen inay heleen Cabashadaasi, isla markaana ay Guddi u saari doonaan si ay Madaxda Xiriirka K/Cagta Somalia kala hadlaan arrintaasi, marka ay ku wada kulmaan magaalladda Addis Abeba.

Arrintan haweeneysay ayaa la xaqiijin karin, iyadoo qorsheyaal noocan oo kale loo sameeyo si loo helo fiisooyin lagu galo Yurub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON