Wednesday, September 18, 2024

Haweeney caan ku ahayd Dhaqan xumada Baraha Bulshada oo Maxkamad lasoo taagay

Haweenay muddooyinkan danbe ku caan baxday dhaqan xumo ay ku faafiso Baraha Bulshada ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo maanta la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in isago gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka uu soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed.

Bishaaro Balaayo ayuu Xafiiska Xeer ilaaliyaha sheegay inay maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo ay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Ad

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka Bulshada”. ayaa lagu yiri Qoraalka Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ku hanjabay inuu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo iyada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON