Friday, March 14, 2025

Hanti-dhowrka oo baaritaan ku bilaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee shaqada laga joojiyey

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ayaa baritaan ku bilaabay kiiska shaqada looga joojiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdi-Saciid Muuse Cali.

Wasiirka oo ka mid ahaa saaxiibada Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ayaa shaqada looga joojiyey wareegto kasoo baxay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo lagu eedeeyay inuu fasaxay Markab Dhuxul sharci-darro ah ka qaaday Soomaaliya oo ku xayirnaa Dekadda magaalada Salaalla ee dalka Cumaan.

Xubno ka scoda Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa shalay su’aalo weydiiyey Wasiir Cabdi-Saciid, iyagoo ka wareystay xaaladda Markabka uu amray in la fasaxo, sida ay arrintaasi ku timid.

Ad

“Maanta waxaan kulannay team ka socda Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. Waxaan ka wadahadalnay sida ay wax u jiraan. Waxaanna ka warsugaynaa wixii ka soo baxa” ayuu yiri Wasiirka shaqada laga joojiyey oo farriin kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa hore baaritaan ugu waday kiiska Heshiiska Shidaalka ee Soomaaliya la gashay shirkad Mareykan ah, oo lagu eedeeyay wasiirkii Batroolka C/raashiid Maxamed Axmed, waxaana socda kiisaska musuqa ee kusoo baxaya wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON