Saturday, March 15, 2025

Hanti-dhowrka Guud oo soo saaray Amar cusub oo ku socda Hay’adaha Dowladda ee galay Heshiisyada

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda hay’adaha dowladda Federaalka ee galay heshiisyada quseeya hantida umadda.

Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowarka ayaa looga dalbaday in muddo hal bil gudaheed oo ku eg 02/10/2021 ay ku diiwaan geliyaan heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha.

HOOS KA AKHRISO QORALKA HANTI-DHOWRKA

Ad


The Federal Government of Somalia

Office of the Auditor-General Tixraac: XHG/HG-150/2021

Tr: 02/02/2011

- Advertisement -

Ku: Dhammaan Hay’adaha Dowladda. -Muqdisho
Og: Ra’iisal Wasaaraha XFS -Muqdisho
Og: Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS -Muqdisho
Og: Madaxweynaha JFS -Muqdisho

Ujeeddo: Diiwaan Gelin Heshiisyada La Xiriira Hantida (Dhulalka iyo Guryaha) Dowladda ee La Kireeyay

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansansanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu bekhaansan uguna waxtarka fiican.

Xafiiska Hantidhawrka Guud oo ka taxaddaraya in si khaldan loo maamulo ama dano gaar ah looga faa’iidaysto hantida ummadda, sidoo kalana iyadoo la tixrancayo Qodobka 43and (2) ce Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS, Qodobka 114 (1) xarafka (J) iyo Qodobka 50-nd (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ce 25/12/2019) iyo Qodobka 8am ee Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud (sharci Ir. 34 ce 14/04/1972) oo ka hadlaya maamulka hantida ummadda iyo diiwaan gelinta heshiisyada ayaa waxa uu dhammaan hay’adaha Dowladda lala socodsiinayaa in:

- Advertisement -

1. Muddo hal bil gudaheeda ah oo ku eg 02/10/2021 lagu soo diiwaan geliyo dhammaan
heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha;

2. In dhammaan hay’adaha Dowladda ay arrinkan u qaataan in lagu saxayo nidaamka
Dowliga ah sidoo kalana lagu ilaalinayo hantida ummadda;

3. In dhammaan ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heshiisyada dhulalka
iyo guryaha la xiriira la galay hay’adaha Dowladda ay hay’adaha ka dalbadaan in ay la wadaagaan/siiyaan nuqullada heshiisyada ka diiwaan gashan Xafiiska Hantidhawrka Guud si hawsha dhex martay muwaadinka qofka iyo hay’adda ay u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan sharciga:

Xafiiska Hantidhawrka waxaa uu hay’adaha Dowladda kula talinayaa in ay u hoggaansamaan dhammaan shuruucda dalka, sidoo kalana ay heshiisyada ku soo diiwaan geliyaan muddada sare ku cayiman, iyadoo hawlwadeennada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ay imaan karaan xarunta Xafiiska Hantidhawrka Guud ama heshiisyada ay ku soo diri karaan ciwaanka (email) Xafiiska Hantidhawrka Guud oo ah archive@oag.gov.so si loo diiwaan geliyo.

Heshiisyada ay hay’adaha Dowladda galeen ee la xiriira dhulalka iyo guryaha Dowladda oo aan laga soo diiwaan gelin Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waa kuwa aan waafaqsanayn sharciga iyadoo Xafiiska uu baaris ku samayn doono sidoo kalena uu ka qaadi doono tallaabada sharciga ee ku habboon.

Md. Muxamed Maxamud Cali
Hantidhawraha Guud

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON