Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021, taasoo si naxdin leh u soo bandhigeysa maamulka maaliyadda dowladda ee aan lo marin qab sharciyeed.
Warbixinnada ayaa lagu xusay xog muhiim ah oo ku aaddan khaladaad la xiriira sida Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha dibadda iyo daymaha qaranka.
Hnti-dhowrka Guud ayaa ka digay in khaladaadka soo noqnoqday ee maamulka Maaliyadda dalka ee aan la sixin, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee khaladaadka Miisanaiyadda 2021 ka mida:
- Dhaqaalihii lagu helay Covid-19 oo xisaab sax ah laga helin
- Lacago deeq ah oo an miisaaniyada lagu darin
- Deyn ku dhow 100 Milyan oo aan la ogeyn qaabka loo maamulay
- Lacago si ka baxsan Miisaaniyadda ay u qaadaan safaaradaha Nairobi iyo Addis oo la isticmaalo
- Mashaariic lacagta ugu badan lagu maalgeliyo oo aan si sax ah loo maamulin
- Shaqsi Ajnabi ah oo heysta Nidaamka Maaliyadda dalka lagu keydiyo iyo halis ka taagan.
- iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda aad u liita
Warbixinnada ayaa waxay kala yihiin:
1. Warbixinta Baarista Maaliyadeed (Xisaab-xirka DFS)
2. Warbixinta U Hoggaansanaanta Sharciga
3. Warbixinta Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo U-dhammaanshaha Iibka la xiriira COVID-19.
4. Warbixinta Dib-u-eegista Habraaca Xukuumadda ee Mashaariic Hay’adaha Caalmiga
5. Warbixinta Baarista Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS)
HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAMMEYSTIRAN