Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa is-weydiiyey halkii ay ku danbeeyeen mashaariic uu sanadkii hore dhagax-dhigay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, markii uu booqday Puntland iyo Galmudug.
Qoraal uu soo diray ayuu ku faahfaahiyey liiska 18 mashruuc oo madaxweynaha Soomaaliya uu dhagax dhigay , isgoo sheegay inaan lagu sameyn qiimayn qarashka ku baxaya, lana sheegin cidda bixinaysa qarashkaas. Sidoo kalena aan loo xilsaarin hay’ad ama shirkad fulinaysa.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa s baafinaya halkii ay ku danbeeyeen mashaariicdaas?! oo kala ah:
1. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km).
2. Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula (376km).
3. Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km).
4. Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km).
5. Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km).
6. Dhismaha Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug.
7. Dhismaha Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo.
8. Dhismaha Xarunta Xanaaneynta Agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb.
9. Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta – Dhuusamareeb.
10. Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
11. Dhismaha Xabsiga magaalada Dhuusamareeb.
12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo.
13. Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado.
14. Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb.
15. Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq.
16. Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq.
17. Dhismaha Garoonka diyaaradaha Cadaado.
18. Dhismaha Dekedda Hobyo.