Saturday, May 17, 2025

Halkee ku dambeeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Camey..? [Warbixin & Baafin Siyaasadeed]

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa indhaha saxaafadda ka qarsoomay muddo ka badan toddobaad kadib markii uu Muqdisho ku tegay socdaal muran ka taagan yahay.

Eng. C/xakiin Cumar Camey tegay yimid magaalada Muqdisho 3 dii bishan Disembar, iyadoo socdaalkiisa lagu sheegay inuu salka ku hayo kulamo ay la yeelanayaan Beesha Caalamka wafdi uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu beesha caalamka kala hadlayo arrimaha doorashooyinka oo ugu badnaan saddex casho uuqaadan doonto socdaalkooda, laakiin arrimuhu sidaas uma dhicin.

Ad

Wuxuu markii ugu horeysay ka qeyb galay shirkii Madasha ee Muqdisho ka dhacay oo nasiib darro ay ka baaqsadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana shirkaasi dib loogu dhigay shir kale oo loo dhan yahay.

Eng. C/xakiin Cumar Camey ayaa Muqdisho iska sii joogay iyadoo madaxtooyada Soomaaliya la dejiyay, isagoo ku adkeystay inuusan ku laaban Garowe, waxaana Garowe ku laabtay  oo qura Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, taasoo loo dareemay inuu doonayo inuu ka qeyb galo shirka madasha ee loo balamay.

Madaxweynaha Puntland oo safar ku maqnaa inta ku xigeenkiisa u daba maray Muqdisho oo howlo isaga kaliya u xirnaa faraha la galay ayaa markii uu ku laabtay Garowe wuxuu si cad u sheegay inay khalad ahayd sidii ay  arrinta Sool iyo Sanaag u wajaheen ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

- Advertisement -

C/weli Gaas ayaa markii ugu horeysay Muqdisho caawa kula midoobay oo ay isku arkeen ku xigeenkiisa, waxaana joogitaanka Eng. Camey ee Muqdisho tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee uu qaaday loo arkay inuu loolan awoodeed ka jiro hogaanka sare ee Puntalnd xilligan kala guurka ah ee la dhisayo dowladda cusub ee Soomaaliya ama ugu yaraan goobjoog u ahaado halka talada lagu gorfeynayo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON