Friday, March 28, 2025

Hakadka la geliyey Qabashada Codsiyada Baasaboorka Soomaaliga oo oo waqti dheeraad ah lagu daray.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay in maalmo dheeraad ah lagu daray hakadka la geliyey qabashda codsiyada Baasaboorka oo lagu waday inuu dib u bilowdo maanta.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka ayaa lagu sheegay inay weli socoto howshii farsamo ee habka bixinta Baasaboorka, iyadoo muddo maalmo ah lagu daray hakadka qabashada codsiyada oo dib u bilaaban doon 6-da Febraayo 2020.

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020 ayaa lagu yiri” qoraalka Hay’adda Socdaalka.

Ad

Waxay kaloo intaas ku dartay inay aad uga xun tahay ib u dhaca mar kale ku yimid qabashada codsiyada baasaboorka, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON