Friday, May 16, 2025

Hagaajinta sumcadda iyo ixtiraamka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble (Qormo)

-

- Advertisement -

Waxaa aad loo dhalliilay doorka RW Roble ka qaatay ilaalinta xuquuqda Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha u lahaayeen inay sameeyaan bannanbax nabad ah oo usbuuc ka hor lagu dhawaaqay.

Waxaa dastuurka ku cad inaan xukuumadda federaalka looga baahneyn fasax si loo qabto bannaanbax. Waxaase dhici karta dad wax ma garato ah ama fidno wadayaal ah ama daneystayaal ah ay siiyeen RW Roble talo qaldan ama waxaa dhici karta in RW Roble ku fashilmay inuu kala ilaaliyo, kala sooco Xilka Xukuumadda xilgaarsiinta ah iyo faragelinta iyo xadgudubyada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday farmaajo.

Waa dulmi weyn in dowladda federaalka sameysato bannaanbaxyo lagu taagerayo, lagu ammaanayo, isla markaana xoog ku hor istaagto bannaanbaxa mucaaradka, taaso khilaafsan dastuurka, xaqa iyo sinnaanta siyaasadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Weerarka Xukuumadda federaalka u adeegsaday hubka culus, dabaabadaha, iyo qalabka kale ee ciidanka Xoogga dalka wuxuu dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo jiiday magacxumo, dhaleeceeyn, iyo kalsooni darro.

Xilka Xukuumadda wuxuu ahaa taagerada habsami u dhaca bannaanbaxa iyo ilaalinta guud ee nabadda. Waxaa Midowga Musharrixiinta faafiyeen barnaamijka bannaanbaxa, saacadda uu bilaabmayo iyo saacadda uu dhammaanayo, iyo mas’uuliiyinta hadlaysa. Waxaa la sheegay in bannaanbaxa lagu qabanayo goob dadweyne (public space) oo dowladda ku qabato bannaanbaaxyada, taaso xaq u siineysa mucaaradka inay ku qabsadaan bannaanbaxooda. Daljirka Dahsoon waa goob dadweyne.

- Advertisement -

Waxaa la yaab lahaa sida xukuumadda isugu dhexyaacday markii Midowga Musharrixiinta ku dhawaaqeen bannaanbaxa, taaso xiiso, ahmiyad , iidheh, iyo guul u noqotay bannaanbaxa qabashadiisa ka hor.

Waxaa intaas soo raacay weerarka saqda dhexe lagu qaaday hotelka Maa’ida ee ay degganaayeen 2 Madaxweyne hore iyo guddoomiye hore barlamaan iyo la dagaalanka xooggaagii sugayay Ammaanka goobta bannaanbaxa iyo la wareegidda goobta, si loo hor istaago bannaanbaxa, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay Xukuumadda federaalka mas’uul ka tahay.

Waa dambi qarameed RW Roble qorta ugu jira inkastoo la wada og yahay in Madaxweyne hore Farmajo mas’uul ka yahay dhibaatada dhacday.
Isla marka waxaa subixii lagu weeraray KM4 xubno kale ee ka mid ahaa Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, dhacdaasoo dibedda iyo gudaha laga daawanayay.

Dhacdadaas waxay beenisay warkii RW Roble ka jeediyay idaacadaha ee uu ku sheegay in dagaalkii saqda dhexe ka dhashay weerar ay soo qaadeen koox hubeysan ee maleeshiyad ah.
Nasiib darro, RW Roble asagoo ogsoon xaaladda nabadgelyo xumo iyo khatarka joogtada ah ee argagixisada dowladda federaalka u taagweysay ayuu idaacadaha ka sheegay in Xubnaha Midowga Musharrixiinta aysan xaq u kaheyn ciidammo gaar u ah ee ilaaliya nabadgelyada naftooda iyo goobaha ay ku kulmayaan, ayadoo la rabay in Xukuumadda federaalka ku taagerto kuna ammaanto is ilaalintooda iyo isku fillaanshahooda.

Madaxweynaha iyo RW ayaa lagu aamini waayay ilaalinta ciidanka Soomaaliyeed oo loo baahday ciidan ka socda dalalka Afrika oo Golaha Ammaanka soo ansixiyay.

Hadalka RW Roble ma aheyn mid munaasib ku ahaa musiibada dhacday saqdii dhexe ee 18-19 Febraayo iyo subixii jimcaha 19 Febraayo 2021. Muwaadiniinta soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay adeegsadaan ilaalo gaar ah (Private security) ama ilaalo ay ku kalsoon yihiin oo ehelkooda ah. Waxaa intaa dheer, xaaladda dagaalka sokeeye iyo dagaalka argagixisada al Shabab darted, Madaxdii hore, Xildhibannada BF iyo mas’uuliinta soo qabatay xilal Sare sida saraakiisha Ciidammada waxay xaq u leeyihiin ciidammo dowladda federaalka mushaar siiso ayadoo la tixgelinayo duruufaha dalku marayo.

Waa dulmi, marin habaahin, iyo mas’uuliyad darro in RW Roble ku andacoodo in bannaanbaxa ay soo qabanqaabiyeen ciidammo dowladeed ee hubeysan asagoo ogsoon cidda ku dhawaaqay bannaanbaxa iyo barnaamijka bannaanbaxa oo idaacadaha laga siidaayay.

- Advertisement -

Talada la gudboon RW Roble waxay tahay inuu saxo hadalka taarikh xumada ku ah asaga iyo inta wanaagga la jecel, kuna dadaalo inuu maro dhabbaha waafaqsan dastuurka kmg iyo garashada wanaagsan, cidna ka oggolaan in maalin cad karaamada laga qaado.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

103 Xildhibaan oo Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyay 5 Qodob ama inuu is-casilo

 103 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqala ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah usoo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka isaga...

Guddiga Doorashooyinka oo diiwaangelin ka bilaabaya Khaatumo, Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, isagoo ku dhawaaqay in 30 cisho oo...

Farmaajo oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka JFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaalada siyaadadeed ee dalka ka jirta, isagoo eedeyn u jeediyay...

16 Siyaasi iyo Madax hore oo Qoraal dheer oo Digniin ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

War saxaafadeed ay si wadajir usoo saareen qaar ka mida Madaxdii hore, siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal xisbi ayaa si weyn loogu cambaareeyay xaaladda uu dalka...

Puntland oo shaacisay inay soo iibsatay Diyaarado dagaal iyo kuwa Gurmadka degdegga

Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay maamulkoodu uu iibsaday diyaarado dagaal oo ka qeyb geli doona dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.Wasiirka Warfaafinta...

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo si rasmi ah ugu qabsoomay Muqdisho

Muqdisho, 14 May, 2025; Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka oo si rasmi ah ugu qabsoomay magaalada Muqdisho.Shirwaynaha oo ay ka soo qaybgaleen ergo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo doortay guddoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Caddaalada iyo Wadajirka

Shirweynihii koowaad ee urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ayaa caawa ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu doortay madaxda ururkaasi.Ururkan waxaa ku mideysan madaxda dowladda...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you