Muddo shan sano ah oo siyaasadda uu toos ugu jiray oo u kala qeybsanta saddex sano iyo bar oo uu xukuumadda Federaalka ah hoggaaminayay iyo ku dhowaad labo sano oo uu safka mucaaradka ku jiray, Xasan Cali Kheyre waa mid ka mid ah guuleysteyaasha ugu weyn ee doorashadii dhacday 15-ka May 2022.
Kheyre waxay aad isugu dhowaayeen Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin inuu eersaday ka hor-imaanshaha muddo kororsiga iyo hankiisa madaxtinimo, taas oo dhaxal-siisay in si muran leh xafiiska looga saaro.
“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah muddo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase-siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Kheyre ka yiri kulan uu Golaha Wasiirrada qadka fogaan-aragga kula yeeshay bartamihii bishii Luulyo ee 2020-kii.
Madaxweynihii hore, Farmaajo ayaa taageeray go’aanka Golaha wasiirrada, balse dhowr iyo toban cisho kaddib baarlamaanka ayaa si muran badan ku jiro xilka uga qaaday Xasan Cali Kheyre.
Inuu wareegga labaad u gudbo waxay Kheyre u ahayd guul-wayn oo dad badan aanay sii saadaalineynin. Tabashooyin laga qabay muddadii uu xafiiska raysul-wasaaraha joogay, muddada gaaban ee uu siyaasadda ku jiray iyo saaxiibbo-la’aanta siyaasadeed owgeed ayaa loo arkaa inay tahay guul-shakhsi ah oo uu tartanka ka gaaray, taas oo ififaaleyneysa inuu leeyahay mustaqbal siyaasadeed oo uu hiigsan karo.

W/Q: C/raxmaan Tayrsiir
Weriye BBC Somali