Saturday, May 17, 2025

Guusha Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxay ka bedeli kartaa Gudoonka Baarlamaanka.?

Khudbadii musharaxnimada taariikhiga aheyd ee Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir ka jeediyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa noqotay tan loogu hadal heynta badan tahay dadka oo xiiso gaara yeelatay, isla markaana qabsatay baraha bulshada ku xiriirto.

Xildhibaanka oo taarkhiidsa ku bilaabay ayaa sheegay in uu Dugsiga sare kaga baxay magaalada Beledweyne kadib labo sanno oo shaqada Qaran ahna kusoo qaatay degmada Xarardheere, isagoo  Waxbarasho dibadeed u tegay Jaamacadda caalamiga ah ee Islamic International University ee Islamabad, Pakistan oo uu kusoo bartay shareecadda Islaamka iyo Qaanuunka.

“Waxaan dalka ku soo laabtay 1992 dii xiligaas oo ay yareeyd in dadka Soomaaliyeed ku dhiiradaan joogitaanka dalka anigoo umadda kala soo shaqeeyay dhinaca waxbarashadda, Gargaarka bini’aadanimadda, waxaan cagta soo mariyay dhammaan goboladda dalka uu ka kooban yahay, waxaan ku guuleeytay aasaasidda goobo waxbarasho oo dalka ka hirgalay sidda iskuulada ku bahoobay daladdda waxbarashada FPENS iyo Jaamacadda Simad ” ayuu yiri musharaxa oo ka hor hadlayay xildhibaanada Baarlamaanka.

Ad

Xildhibaan Faarax ayaa sheegay inuu wax badan ka badeli doono muuqaalka Baarlamaanka, isla markaana uu noqon doonto goob lafgu soo hirto, Baarlamaankuna noqon doono mid ku mashquulsan danaha dalka, sharciyadiisa, hormarinta dastuurka iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed, waxaa kale uu sheegay inuu kala shaqeyn doono gudoomiyaha baarlamaanka ajendayaasha horyaalla, wuxuuna balan qaaday inuu ka qeyb qaadan doono casriyeynta Golaha shacabka.

Wuxuu kaloo musharax Xildhibaan Faarax soo qaatay waxqabadkiisii intii uu ahaa Wasiirka madaxtooyada Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay dib u heshiisiinta, wuxuuna tusaale u soo qaatay heshiiskii  dowladda Federaalka iyo Maamaulka Jubba, kaasoo 2013 lagu baajiyay in dhiig ku daadan lahaa Jubbooyinka.

Wuxuu xusay inuu hormarin weyn ku sameeyay Wasaaradda Caddaaladda oo xilkeeda uu yahay middo kooban, wuxuuna isbedel la taaban karro ku sameeyay Maxkamdaha dalka, Xeer ilaalinta, Denbi baarista iyo maxaabiista isagoo ka dhigay wasaaradda mid ka duwan sidii hore oo magac ahaanta keliya ay u jirtay.

- Advertisement -

Intii uu Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadie wuxuu ku guuleysay anisixinta sharciyo badan oo baarlamaanku ansixiyeen sida:

Sharciga Golaha adeegga Garsoorka oo noqon doona asaaska Garsoorka dalka

Sharciga Maxkamadda Dastuuriga oo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka loo sameeyo

Sharciga Xabsiyadda iyo Maxaabiista

- Advertisement -

Magaacaabidda Guddiga adeegga Garsoorka

Magacaabidda Gudiga dib u eegista Dastuurka iyo sharcigooda

Sharciga Xuquuqda Caruurta oo Soomaaliya sumcad weyn u soo jiiday

Sharciga Maxkamadda Racfaanka iyo xeer ilaalinta

Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin shaqadii adkeyd ee Faarax soo qabtay muddo kooban oo xilka wasiirnimo ka hayay wasaaradda Cadaaladda, taasoo aan loo saamixin inuu dhameystiro, howlahaasina ay ku hakadeen halkii uu Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir uga tegay.


WAA KUMA FAARAX SHEEKH C/QAADIR?

Faarax Sheekh Cabdulqaadir  wuxuu ku dhashay Magaaladda Beledwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan 21-10 -1966.

Aqoonta: wuxuu ka qalin jebiyay jaamacada caalamiga ah ee Islamabad (International Islamic University, Islamabad) isagoo bartay Qaanuunka iyo Sharciga islaamka.

Khibirdaha Shaqada:

2007 – 2011, Kuwait: Lataliye Sare: Direct Aid: oo ah hay’ad kulmiso, Hay’addo gargaar, iyo waxbarasho oo ka kooban iskuulo iyo jaamacado ku yaalo dalaka afrika isagoo xafiisyo badan ka furay, wadamada kenya, Tanzania, Gambia, Zanzibar iyo waddamo kale oo badan

Sidoo kale wuxuu noqday u qaabilsanaha wakaaladda muslimiinta afrika dalka Soomaaliya (African Muslims agency – AMA) oo dalka ka hirgelisay 1992 ilaa 2000 iskuulo badan laga furo goboladda dalka.

Wuxuu noqday guddoomiye ku xigeenka Daladdda waxbarashada  FPENS oo ah dalad ay ku bahooben dallada ugu weyn dalka oo adeegyada waxbarashada, deeqo waxbarsho oo arday badan ka faa’iiden xilliyadii burburka iyo ilaa iminka.

2012 – Wuxuu noqday Xildhibaan ka tisan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2012 – 2013: Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyadda ee  Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya

2014 – 2015: Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya.

2016: Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Luqadaha uu ku hadlo: Soomaali, Carabi, English, iyo Kiswahili.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON