Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii guddoonka Golaha Baarlamaanka la soo doortay ee Somaliland.
Isagoo ku sugan magaalada Laascaanood in muddo ah, una soo joogay dagaalka Somliland iyo dadka degaanka ku dhex maray hakaasi ayuu ugu danbeyn ka tegay dhammaan xilalkii uu ka hayay Somaliland.
Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale ka baxay ururka mucaaradka Waddani oo uu xubin ka ahaa, taasoo ka dhigan inuu guud ahaan siyaasadda Somaliland ka dhe baxay.
“Somaliland Waxaan u hayey laba gaadhi oo midi yaallo Hargeysa , midina Laascaanood , Kii Hargeysa yaala waxaa la geynayaa Berri xarunta Baarlamaanka, Kan Laascaanoodna waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-Khaatumo ” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Golaa Wakiilada Somaliland.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland dacwad kusoo oogen Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kuna eedeeyeen inuu la saftay caddowga Somaliland.