Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu ka hor yimid jiritaanka Somaliland, kadib markii uu taageeray go’aanka ay qaateen Odayaasha Beeshiisa.
Xeer ilaalinta Somaliland ayaa dhaqaajisay dacwadda iyadoo u gudbisay Maxkamadda Dastuuriga maamulka Somaliland, waxaana la filayaa in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed laga saaro Golaha Wakiillada maamulkaasi.
Waxaa Cabdirisaaq Khaliif lagu soo eedeeyay inuu ka hor yimid jiritaanka iyo qarannimada Somaliland iyo inuu ka been sheegay dhaartii uu ku dhaartay in uu daacad u noqonayaa Somaliland, dadkiisana ku maamulayo sinnaan iyo caddaalad.
Waxaa kaloo lagu heystaa uun Ciidanka Somalilandku eedeeyay in ay gaysteen xasuuq ka dhacay magaalada Laascaanood. Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa muddo 7 maalmood ah u qabatay C/risaaq Khaliif inuu uga soo jawaabo dacwadda lagu soo oogay.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro ayaa cambaareeyay Dacwadda lagu soo oogay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, wuxuuna Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud & tan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku tilmaamay inay marag cad u yihiin awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada ay toos ula wareegtay Waaxda Garsoorku.
“Golaha Wakiilada waxa ku waajib ah isaga oo raacayaa Xeer hoosaadkiisa & Dastuurkaba ka falcelinta talaabadan ugubka ah ee ay Waaxda Garsoorku u qaadday dhanka sharci jabinta & maroorsiga awooddii Golaha”. ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan Cirro.