Saturday, January 25, 2025

Gudoomiyaha G/Banaadir oo shaqadii ka joojiyey Waaxda Dhulka, kadib Fadeexad kusoo baxday Madaxda…

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray wareegto lagu joojiyey shaqadii iyo dhaqdhaqaaqii Waaxda Dhulalka u qaabilsan maamulka Gobolka Banaadir, kadib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan dhul Dan guud ahaa oo la musuqmaasuqay.

Qoraalka Guddoomiya Cumar Maxamud Maxmaed (Filish) ayaa lagu sheegay inuu soo galay tuhun la xariira wax is daba marin, ayna cabasho badan ay ka timid shacabka, laakiin xogta la helay aya sheegeysa in arrintan ay ka war heleen madaxda Sare oo faragelin ku sameeyay, ayna ku lug yeesheen madaxda Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qoraalka oo uu akhriyey afhayeenka Gobolka Banaadir ku sheegay in baaritaan lagu sameyn doono Waax kasta oo ka mida, waaxyada ku shaqada leh arrimaha Dhulalka ee dowladda Hoose ee Xamar, lana magacaabi doono guddi soo baara cabashooyinka dadweynaha.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay gilgshay guddoomiyaha G/Banaadir iyo mid ka mida ku xigeenadiisa oo si toos ah ugu lug lahaa arrintan, waxaana dhowaan idin soo bandhigi doonnaa faahfaahinta arrintan iyo sida ay ku qaraxday. Insha Allaah

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON