Tuesday, May 20, 2025

Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir Yuusuf Boorsaani oo Hal Qodob taariikhda ku galay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo 7-dii September 2020 uu mar kale xilka ugu sareeya Gobolka Banaadir u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 13-kii Septembar 2022 la wareegay xilka ugu sareeya Gobolka Banaadir.

Diidmo ka dhalatay magacaabistiisa ayaa waxaa soo dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh oo is-afgarad la gaaray Beeshii ka hor timid magacaabista Guddoomiye Yuusuf Madaale, waxaana weli harsan magaaabidda guddoomiye ku xigeennada Gobolka.

Taariikhda madaxda Gobolka Banaadir ee soo maray Caasimadda Muqdisho ayaa kasoo bilaabata sanadkii 1936, xilligaasi uu madax u ahaa ninkii Talyaaniga ahaa ee Dr. Campani Remeo, waxaana caasimadda ilaa hadda soo martay 50 Duq magaalo iyo Guddoomiye Gobol.

Ad

Yuusuf Boorsaani wuxuu noqdanayaa Guddoomiyihii saddexaad ee mar labaad kusoo noqda Xarunta looga taliyo Maamulka Gobolka caasimadda ee Banaadir, xilkaasina muddo ileed labaad hanta.

Taariikhdaas waxaa hore usoo maray oo uga horeeyay laba Duq magaalo oo kaliya. Duqii ugu horeeyay ee mar kale xilka Duqa Muqdisho qabtay wuxuu ku yimid Doorasho toos ah, halka midka labaadna uu magacaabay madaxweynihii hore ee dowladii Kacaanka Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Allaha u naxariistee Axmed Muude Xuseen oo kasoo jeeda dadka dega Gobolka Banaadir ayaa noqday Duqii ugu horeeyay ee laba jeer loo doorto xilka, wuxuuna markii ugu horeysay Duqa Muqdisho noqday sanadkii 1958, waxaana mar kale ay dadku dib u doorteen sanadkii 1966.

- Advertisement -

G/Sare Xasan Abshir Faarax ayaa laba jeer soo noqday Duqa Muqdisho, waxaana Siyaad Barre uu markii hore xilkan u magacaabay sanadkii 1973. xilligaan oo uu ahaa 28 sano jir, waa qofkii ugu da’ yaraa ee soo mara maamulka caasimadda, mar kale ayaa Xasan Abshir xilkan lagu soo celiyay sanadkii 1982 isagoo joogay ilaa 1987.

Dagaaladii sokeeye kadib caasimadda Muqdisho oo burbur xoog leh soo gaaray, waxay ku jirtay qalalaase amni iyo mid maamul, muddo ka badan 60 sano ma helin maamul ay dadkiisu soo doorteen, iyadoo 10 sano ku jirtay fowdo iyo dagaal, halka wixii ka dabeeyay sanadkii 2000 ay madaxweynayaasha dalka toos u magacaabaan cidda maamuleysa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON