Kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta la joojiyay, kadib markii heshiis laga gaari waayey murankii Sabtidii ka dhashay Ajendayaasha kulamada Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu kulamo xiriir ah la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, isla markaana laga War helay abaabul ay wadaan xildhibaannada oo ku saabsan Mooshin ka dhan ah Guddoonka iyo xildhibaanno kale Mooshim kale ka diyaarinaya Xukuumadda.
Guddoonka iyo Madaxda Sare ee Golaha Shacabka ayaa isla gartay kulanka maanta dib loo dhigo Arbacada, inta xal hoose laga gaarayo ajendayaasha Golaha Shacabka ee muranka dhaliyay iyo arrimaha la isku heysto.
Sheekh Adan Madoobe ayaa maareyn waayey kulankii Sabtidii oo 30 xildhibaan ay geeyeen Mooshin looga horjeedo Ajandaha Guddoonka iyo Guddiga joogtada ee ahaa inay bilaabaan la-xisaatanka Xukuumadda.
Xildhibaanno badan oo dalka kusoo laabtay iyo guuxa ka dhex jira Barlamaanka ayaa la sheegay inay laba dhinac u kala safan yihiin, iyadoo ay is barbar socdaan xildhibaanno diidan qaabka uu Guddoonka Baarlamaanka shaqada u wado iyo xildhibaanno doonaya in la rido Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre.