Saturday, May 17, 2025

Guddoonka Baarlamaanka oo soo farageliyay muranka ka taagan Maqaamka Muqdisho [Akhriso Qoraalka]

Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa soo farageliyay muranka ka taagan maqaamka Gobolka Banaadir iyo xiisadda siyaasadeed ee hareysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maamulka G/Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la dhowro Dastuurka iyo dowladnimada, iyadoo go’aan gaaarista maqaamka Caasimaduna ay tahay Awood u gaar ah Barlamaanka Federalka Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka Galabta kasoo baxay Guddoonka Golaha shacabka.

Qoraalka ayaa soo xigtay Qodobka 9aad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka oo u qoran: “Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image may contain: text

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON