Guddoomiyihii Isboortiga degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir Xabiib Maxamed Saciid u geeriyooday dhaawc loogu geystay Suuq-yaraha degmada.
Wararka ayaa sheegaya in dhaawac culus uu gudoomiyaha kasoo gaaray markii rasaas lagu furay, taasoo warar kala duwan kasoo baxayaan cidda ka dambeysay, waxayna dad goobjoogayaal ah sheegeen inuu rasaasta furay Nin shacab ah oo qori ka qaatay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Ma cadda sida ay ku suuragashay in ninka shcabka ah uu gacanta ku dhigo qoriga askariga, waxaana dhaawaca la dhiogay Isbitaalka Daarul Shifa ee magaalada Muqdisho, halkasoo uuu ku geeriyooday.
Howlgal lagu baadi goobay ninkii ka danbeeyay dilka ayaa ka socda Degmada Xamarjajab iyadoo uu baxsaday qofkii ka danbeeyay dilka.