Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa soo saray baaq dalab ah oo ku saabsan in maxkamad lasoo taago madaxa shaqaalaha Hay’adda NISA oo shalay xilka laga qaaday.
Macalimuu oo shalay markii laga soo celiyay Garoonka Muqdisho ay qeylo-dhaantiisa keentay in xilka laga qaado Madaxa shaqaalaha NISA C/llaahi Aadan Kulane (Jiis) iyo Taliyaha NISA ee Garoonka Muqdisho ayaa Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadceliyey tallaabada uu qaaday.
Kulane Jiis ayuu sheegay inuu tacadiyo badan ka geystay Gobolka Gedo iyo dalka oo dhan, isla markaana ay tahay in sharciga la horgeeyo oo maxkamad lasoo taago, si dadka uu dhibaateeyay ay u dacweyn karaan.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo lasoo shaqeeyay dowladda Federaalka wuxuu sheegay inuu ka mid yahay dadka dhibanaha u ah C/llaahi Kulane oo muddo 7 bilood ah uu xabsi ugu jiray, isagoo aan ka bixi karin Muqdisho.
“Waxay ila tahay in cid kastoo denbi gasha in sharciga la hor geeyo.. dhibaatooyinkii Gobolka Gedo uu ka geystay waa in Maxkamad lagu saaro.. waxaa maqley gabar Soomaaliyeed oo gacantiisa ku maqan.. Maanta xasaanad a hayo, badbaadiisa ayaa ku jirta in maxkamad la saaro, haddii kale dadka ayaaba dilaya..” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji.
