Wednesday, February 19, 2025

Guddoomiyihii Guddigii FEIT ee ka hadlay fasixidda Kursigii Fahad Yaasiin inta aan la kala dirin

Gudoomiyihii Guddigii Doorashada Heer Federaal ee xalay la kala diray, Muuse Geelle Yuusuf ayaa beeniyay warar la faafiyey oo ku saabsan inay doonayeen fasaxidda kursiga uu kusoo baxay agaasimihii hore ee NISA Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Gudoomiye Muuse Geelle ayaa sheegaya inay tahay dacaayad oo aysan waxbka ka jirin inay doonayeen inay fasaxaan Doorashada kursigii HOP86, kaasoo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin, balse sharci darro laga dhigay.

Guddoomiyaha Guddiga la kala diray ee FEIT ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan talaabada ra’iisal wasaaraha, wuxuna sheegay in ay sharci tahay in la kala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.

Ad

Kursiga HOP086 ayuu sheegay inay leedahay Beel, iyadana ay go’aan ka gaari doonto doorashadiisa, sidaasina ay ku dhammaatay howshii Guddiyada Doorashada.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay 29 May 2022 kala diray Guddiyadii Doorashada kadib markii ay soo idlaatay hawshii loo xilsaaray.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON