Saturday, January 25, 2025

Guddoomiyihii Gobolka Gedo oo si yaab leh xilka looga qaaday iyo Guddoomiye cusub oo la magacaabay

Guddoomyihii Gobolka Gedo ee hoos taga dowladda Federaalka ayaa xilka laga qaaday, iyadoo guddoomiye cusub loo magacaabay Gobolka Gedo.

Wareegto kasoo baxday Wasiir ku -xigeenka Arrimaa Gudaha ee Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa lagu sheegay in guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, iyadoo loo magacaabay Axmed Buulle Gareed.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ee xil ka qaadista iyo magacaabista ka sameeyay Gobolka Gedo ayaa ka goostay maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna taageersan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay la yaab tahay in wasiiru dowle keligiis taagan ay dowladda Federaalka u amreyso inuu xil ka qaadis iyo magacaabis ka sameeyo Gobolka Gedo.

Ad

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Jubbaland oo isu dhiibay Dowladda Federaalka

No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON