Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilkii laga qaaday iyadoo guddoomiye cusub loo magacaabay degmadaasi.
Waraeegto kasoo baxday Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cariif.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa xoogagga wadaniyiinta ee taageersan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana xilka loo magacaabay Juky 2019.
Arrintan ayaa imaaneya iyadoo madaxweyne Farmaajo xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenadii Gobolka Banaadir, isla markaana magacaabay xubno cusub.
