Guddoomiyeyaal cusub ayaa loo magacaabay laba ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo xilalkii laga qaaday guddoomiyeyaashii hore oo bilo yar xilkaasi hayey.
Wararka laga helayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Muuse Geesey Jimcaale loo magacaabay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, iyadoo xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore C/weli C/llaahi Maxamed oo xilka hayey wax ka yar lix bilood, iyadoo la magacaabay bishii Janaayo 2019.
Dhinaca kale waxaa guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab loo magacaabay Guhaad Shiikh Xasan oo ka tirsanaa weriyeyasha u shaqeeya idaacadda Gobolka Banaadir, iyadoo xilkaasina laga qaaday Gudoomiyhii Degmadaasi Ismaaciil Orango oo isna ka tirsanaa weriyeyaasha Idaacadda iyo TV-ga dowladda.
Xil ka qaadista iyo magacaabista xilalka degmooyinka G/Banaadir ayaa noqday kuwo joogto ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo keentay inaan la shaacin magacaabidooda.