Monday, March 24, 2025

Guddoomiye Yariisow oo dalbaday in tallaabo laga qaado Dadkii xaday Imtixaankii Dowlada [Akhriso]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dalbadan in sharciga la horgeeyo oo tallaabo laga qaado dadkii ka danbeeyay in la xado Imtixaankii Dugsiyada Sare, isagoo ku tilmaamay fal-denbiyeed.

Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska inay si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday” ayuu yiri

Ad

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON