Tuesday, December 3, 2024

Guddoomiye Yariisow oo Baraha Bulshada ku weerarray Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa baraha bulshada ku weerarray wasaaradda caafimaadka isagoo maseyr iyo xaasidnimo ku tilmaamay buugga caafimaad ee wasaaradda caafimaadka ay sheegtay inay u diyaarisay xujeyda sanadkan.

C/raxmaan Yariisow ayaa ereyo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada…”.

Dad badan ayaa Yariisow ku dhaliilay inuu baraha bulshada kusoo bandhigo arrimo ka dhaxeeya maamulkiisa iyo xukuumadda Soomaaliya, iyagoo jawaabo ay ku bixiyeen qoraalka Yariisow si weyn u weerarray hab-dhaqanka guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo muddooyinkii danbe kalsooni ka helay madaxweyne Farmaajo.

Ad

Guddoomiye Yariisow ayaa saacad kadib ka saaray baraha bulshada qoraalkii uu ku weerarray wasaaradda Caafimaadka, kadib markii la sheegay inuu amar ka helay madaxda dowaldda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON