Tuesday, May 21, 2024

Guddoomiye Xigeenkii Degmada Wanlaweyn oo Weerar Gaadmo ah lagu dilay

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Bulshada Degmada Wanlaweyn.

Dilka Haashim Maxamed Xasan (Shareere) ayaa xaley ka dhacay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Warmaxan iyo Tixsiile, iyadoo ay weerar ku qaadeen Dabley la sheegay inay yihiin kuwo beeleed, iyadoo dilkaasina uu salka ku hayo aano qabiil.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in lagala degay baabuur uu watey oo ka yimid magaalada Muqdisho, kuna sii jeedey degmadda Wanlaweyn, waxaana lagu toogtay goobtaasi.

Ad

Dilka Haashim Maxamed ayaa dib u soo kiciyey xiisad ka taagneyd degmada Wanlaweyn iyo agagaarkeeda, iyadoo ehelka Guddoomiye ku xigeenka ay dalbanayaan in sharciga la hor geeyo dableydii dilkaasi geysatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON