Wednesday, December 4, 2024

Guddoomiye Mursal oo Shir Jaraa’id uga dhawaaqay Natiijada lagu riday xukuumadii Kheyre

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id uga dhawaaqay codka kalsooni noqoshada ee loo qaaday xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiye Mursal ayaa shirka jaraa’id uga dhawaaqay in guddoonka Baarlamaanka uu codka kalsoonida u qaaday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay Xasan Cali Kheyre, waxaan ogol u codeeyay 170 xildhibaan, halka ay diideen 8 kale, mana jirin cid ka aamustay

“Madaxweynaha sida uu farayo Dastuurka KMG ah waa inuu si degdeg ah u soo magacaabo Ra’iisa lwasaare iyo xukuumad wadankan gaarsiin karta, fulin karta Doorasho qof iyo cod ah waqtiga loogu talogalay.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal

Ad

Waa markii ugu horeysay ee natiijo codeyn ka dhacday Baarlamaanka Federalka lagu shaaciyo Shir Jaraa’id oo ka baxsan xaruntii ay xildhibaannada ku shirsanaayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON