Saturday, October 12, 2024

Guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Bariga Afrika oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi duhurnimadii maanta lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Bariga Afrika oo ahaa Aqoonyahan si weyn looga yaqaan Bahda Waxbarashada.

Allaha u naxariistee Ustaad Khaalid Cali Khaalid ayaa Salaadii Duhur kadib dabley ku dishay gurigiisa hortiisa, isagoo la sheegay inuu markaasi kasoo Masjidkii uu ku tukaday salaadii duhur ee maanta, magaalada Boosaaso.

Ustaadka Khaalid ayaa in muddo ah ka shaqeynayay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso oo xilligan uu ka ahaa gudoomiye ku xigeenka jaamacadda iyo madaxa xafiiska shaqada iyo shaqaalaha.

Ad

Dad badan ayaa aad u naxay falka lagu dilay ustaadka, waxaana baraha bulshada buuxiyay tacsida loo dirayo, iyadoo weli aan faafhaahin laga helin qaabka dilkiisa iyo cidda ka danbeysay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON