Friday, March 21, 2025

Guddoomiye ku xigeenka G/Banadir oo soo jeediyey in Muqdisho loo sameeyo Macaawisley Beeleed

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga Gobolka Banaadir Cali-yare Cali ayaa soo jeediyey in caasimadda Muqdisho loo sameeyo Macaawisley Beeleed oo amnigeeda suga.

Isagoo ka qeyb galayey dood ka baxday Universal TV oo ku saabsan xaaladda Amniga Caasimadda ayuu Cali Yare sheegay in amniga caasimadda aanu jirin cid lagula xisaabtamo, isla markaana loo baahan yahay in dadka beel ahaan u degan caasimadda ay amniga sugtaan.

Cali Yare oo ka mid ahaa maamulkii Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Gobolka Banaadir ayaa ku dooday in Maamulka Gobolka Banaadir aanay hoos imaan saraakiisha iyo ciidamada Amniga, taasina ay mas’uul ka yihiin madaxweynayaasha dalka oo doonaya inay toos u maamulaan caasimadda, iyadoo ay is dhex galeen Federaalkii iyo caasimadii.

Ad

Wuxuu Cali Yare si cad u sheegay in beesha Hawiye ee degta Gobolka Banaadir ay amnigiisa la wareegto, loona sameeyo ciidamo beeleed oo degmo iyo xaafad kasta lagula xisaabtamo, sida uu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON