Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Baarlamaanka federaalka ayaa si shaqsi ah u soo dhex galay xaaladda ka dhex taagan wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya maamulka Puntland oo timid, kadib markii Puntland ay diiday inay qeyb ka noqoto imitxaanka mideysan ee dowladda Federaalka.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamed ku sheegay in warka kasoo baxay wasiirka Waxbarashada xukuumadda soomalaiya uu kasoo horjeedo dastuurka qodobkiisa 54-aad.
Abshir Bukhaari oo sheegay inuu ku hadlayo waajibaad saaran iyo xilgudashadiisa u gaarka ah ayaa ku dooday in Qodobka 54 ee Dastuurrka uu xeerinayo marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda & Socdaalka & Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda & xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin.
– Wasiirka Waxbarashada oo digniin kasoo saaray go’aan ay qaadatay Puntland
Wuxuu ku dooday in wasiirka waxbarashadu aanu go’aan ku lahayn maareynta waxbarashada Puntland, wuxuuna yiri: “Waxaan ku boorinayaa wasiirka inuu wasiirku abbaaro arrinta tacliinta dalka sida uu Dastuurka Dalka farayo oo ah wadaxaajood & iskaashi ee sax ma ahan in wasiirku ku goodiyo in wasaarada waxabarashada ee heer Federal ay halis ku noqon karto mustaqbalka ardeyda Puntland”.
– Puntland oo jawaab kulul u diray Wasiir Goodax, “imtixaanka dowladda la iskuma halleyn karo..”
Aqalka sare ayaa go’aanada ku gaara qaab wadareed ay u codeeyaan, lamana oga sababta keenay in guddoomiye ku xigeen uu keligiis go’aan soo saaro, isagoo go’aan ka gaaraya arrin dhex taalla dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo aanay hore u dhicin inuu ka hadlo awoodaha dowladda ee maamul Goboleedyada ku heystaan iyo heshiisyada ay galaan dalalka shisheeye.