Tuesday, May 21, 2024

Guddoomiye Degmo oo jug kasoo gaartay Shaqaaqo ka dhacday Xarunta G/Banaadir

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ay jug kasoo gaartay shaqaaqo gacmaha la isula tegay oo maanta ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir.

Shaqaaqadan ayaa dhex martay ilaalada guddomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Maxamuud Xaabsey iyo askari ilaalo ka ah xarunta Gobolka Banaadir, taasoo keenay inuu fal jirdil ah kasoo gaaro Seynab Xaabsey oo dhex gashay ciidamada muranka dhex maray.

Askari ka mida ilaalada xarunta Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu jug xoog leh gaarsiiyey Guddoomiye Seynab Xaabsey oo hore uga bogsootay dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxii xarunta G/banaadir ka dhacay sanad ka hor, waxaana xaaladeeda noqotay mid ku dhow miyirbeel, iyadoo la geeyay isbitaalka Digfeer.

Ad

Wararka qaar ayaa asheegaya in Seynab Maxamuud Xaabzeey ay jug ka gaaray feeraha, xaaladeeduna ay fiican tahay, iyadoo xilliga shaqaaqada dhacday ku socotay ka qeybgalka xus duco ah oo maanta loo sameeyay dadkii ku geeriyooday Qaraxii Gobolka Banaadir ee lagu dilay xubno uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore C/raxmaan Yariisow.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo arrintan soo dhex galay, iyadoo tallaabo laga qaadayo askartii khaladka gashay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON