Friday, March 28, 2025

Guddoomiye Degmo ka tirsan Muqdisho oo Dadka kusoo rogay diiwaangelin Lacag looga qaadayo (Akhriso)

Maamulka degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo uu guddoomiyaha ka yahay Guhaad Sheekh Xasan ayaa dadka ku nool degmadaasi ku soo rogay diiwaangelin lacag looga qaadayo oo qasab looga dhigay.

Dadka degan xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka cabanayey ciidamo guryaha uga yimaada, kuwaasoo u keenay waraaqo amar ah inay muddo 24 saacadod ah ku tagaan xarunta degmada, haddii kalena ay wajihi doonaan xarig iyo ganaax, iyadoo loo sheegay inay Hay’adda NISA diiwaan gelineyso Dadka iyo Guryaha.

Dadkii tegay xarunta degmada ayaa lagu armay inay lacag gaareysa $15 ku shubaan lambar telefoon oo xafiiska degmada ku dhex yaalla, kadibna laga qoray macluumaad ku saabsan Guryaha ay degan yihiin iyo dadka ku nool, iyadoo qofkii Guriga degan haddii uu kireyste yahay laga rabo inuu keeno qofkii lahaa lagana qaadayo mid waliba $15.

Ad

Diiwaangelintan oo u muuqata mid u gaara degmada Dharkeynley ayaa ah tii labaad muddo 4 ilaa 5 sano gudahood dadka degmadaasi degan lacago looga qaato, iyadoo awood loo adeegsanayo, lana aan la siin warqad cadeyn lacag qabasho ah, waxaana dadku ku qabsan yihiin inay lacagtaasi aan la ogeyn cidda qaadata ay bixiyaan, haddii kalena guryaha laga ururiyo haweenka joofa oo la xiro, si loogu qasbo bixinta lacagtaasi.

Warqadda diiwaan gelinta ee degmada Dharkeynley u gaarka ah ayaan lahayn tiro ama lambar diiwaangelin oo isku xigta, sidoo kale ma jiro cid ku saxiixan oo mas’uul ah (Hoos ka daawo), waxaana dadka sawirro looga qaadayaa Mobile-yo ay wataan shaqaalaha Xafiiska Diiwaangelinta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo hore u joojiyey in degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka qaadaan lacago sharci darro ah ayaa u muuqda inuusan la socon howsha ay wadaan guddoomiyaha iyo maamulka degmada Dharkeynley oo dadka degan ay u arkaan inay baad ka qaadanayaan.

- Advertisement -

Dadka aa heysan lacagaha diiwaangelinta ee laga rabo ayaa si gaara arrintooda loo eegayaa, iyadoo qaarkood ay codsadaan in laga qaado $10, halka qaar kale dib loogu dhigayo bixinta lacagta is-diiwaangelinta.

Dharkeynley waxay caan ku tahay in dadka degan laga qaado canshuuraha Guryaha iyadoo aanu sanad kasoo wareegin canshuurtii sanadka hore, waxaana u wehliya maamul kasta markii uu muddo joogaba inuu la yimaado farsamooyin ay dadka lacago uga qaataan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON