Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada C/Casiis oo muddo ka badan 5 bilood guddoomiye la’aan ahayd, kaddib geeridii Guddoomiyihii degmada oo ka mid ahaa Dadkii ku geeriyootay qarixii Xarunta Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday guddoomiyaha G/Banaadir ayaa Guddoomiyaha degmada C/Casiis loogu magacaabey Mahdi Faarax Cabdulle oo bedeli doona Sabaax Cabdullaahi Asad Guddoomiyihii hore oo ku geeriyooday qaraxii xarunta G/Banaadir ee dhacay 24-kii Bishii July 2019.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiyeyaashii degmooyinka Waaberi iyo Cabdul Casiis, waxaana dadkii ku geeriyooday ka mid ahaa guddoomiyihii G/Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow.