Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo muddo sanad ah guddoomiye loo raadineyay markii ay dhammaatay mudaddii xil heynta guddoomiyaha.
Wararka ayaa sheegay in Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay fadhigooda Khamiislaha goor dhoweyd ku ansixiyeen magacaabida Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo loo soo xulay inuu noqdo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kasoo ku soo baxay tartan uu sameeyay guddi loo xil saaray arrintan.
Guddoomiyaha cusub C/raxmaan Maxamed ayaa la sheegay inuu ahaa labadii sano ee ugu danbeysay la-taliyaha dhinaca dhaqaalaha ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saaxiib dhow.
Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Bankiga Dhexe ayaa kasoo jeedaa gobolka Togdheer ee Somaliland, wuxuuna haa qurbejoog ay Norway ka wada yimaadeen Ra’iisal wasaare Kheyre.