Waxaa goor dhow magaalada Garowe lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland, kadib codeynta Xildhibaannada cusub ee Puntland.
Waxaa xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland loo doortay Cabdirisaaq Siciid Faarax oo mushariixin badan ay jagada kula tartamayeen, isagoo wareegii koowaadba helay 37 cod.
Wareegii labaad ayaa waxaa tartanka ka haray oo taanasulay musharixiintii kale ee la filayay inay wareegii labaad la galaan, taasoo keentay inuu guuleyso musharaxa ugu codadka badnaa wareegii koowaad.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa hore u soo noqday gudoomiyihii guddiga doorashooyinka TPEC ee qabtay doorashooyinkii May 2023 ee degmooyinka Puntland.
C/risaaq Siciid ayaa siyaasad ahaan u dhow madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Puntland.