Saturday, April 19, 2025

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Su’aalo lagu weydiiyay Xarunta CID-da Hargeysa iyo xaalad ka taagan..

Wararka laga helayo magaalada Hargysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani su’aalo lagu weydiiyay xarunta denbi baarista CID-da ee magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii CID-da looga yeeray Xersi Xaaji Cali oo ah Guddoomiyaha Waddani, waxaana ku wehliyey musharaxa xisbiga ee xilka Madaxweynaha C/raxmaan Cirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan xisbigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Waddani lagu heysto shir jaraa’id uu dhowaan qabtay, isagoo ku dhaliilay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana arrinta ugu weyn ee loo heysto, su’aalahana laga weydiiyay ay tahay isagoo sheegay in Muuse Biixi uu heysto Baasaboorka dalka Jabuuti.

Ad

Taageeraal badan oo xisbiga Waddani ka tirsan ayaa isugu tegay xarunta denbi baarista ee CID-da magaalada Hargeysa oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Waddani Xeri Xaaji Cali iyo Musharax C/raxmaan Cirro, waxaana laga dareemay xaalad kacsan.

Waxaa falkan cambaareeyay mas’uuliyiinta Waddani oo ku tilmaamay inuu yahay caburin iyo xaalad abuur kale oo Muuse Biixi ku kacayo, iyadoo uu maamulkaasi ka taagan yahay muran ka dhashay furitaanka Xisbiyo cusub oo xilligan lagu soo beegay, taasoo xisbiyada mucaaradka ay tuhunsan yihiin in Muuse Biixi ku doonayo waqti kororsi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON