Wararka laga helyo Gobolka Sh/Dhexe aya sheegaya in Guddoomiyaha Gobolkaasi Axmed Meyre Makaraan ee Maamulka Hirshabelle uu tegay aagagga diyaar garowga dagaalku ka socdo, kadib markii eedo badan loo jeediyay.
Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle ayaa tegay degaanka Raage-Ceelle, waxayna kulan la yeesheen Ciidamada halkaas ku sugan oo ku jira diyaargarow dagaal oo lagu filayo inay ku qaadaan Alshabaab.
Isagoo la hadlayey ciidamada ku sugan Aagga Raage-Ceelle ayuu Guddoomiyaha Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid waajib ah oo lagu janno tegaya, isla markaan aaysan jirin meel dhexe oo dadku yahay Alshabaab iyo dadka la dagaalamaya.
Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ka bilowday dagaalka Alshabaab ka dhanka ah, iyadoo aagag dagaal laga furay degmooyinka Balcad iyo Cadalle, lana filayo in howlgallo waaweyn ay dhowaan bilowdaan.