Thursday, February 13, 2025

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka hadlay xaaladda ka taagan Xuduudka Somaliya iyo Kenya, baaqna u diray…

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo farriin soo diray, kadib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Beledxaawo ee xuduudka labada dal.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ku sheegay inuu la socdo xiisada ka taagan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, kana walaacsan yahay xaaladda, isagoo ku booriyey labada dhinac inay xakameeyaan oo ay u hoggaansamaan dadaalka ay wado IGAD.

“Waxaan si walaac leh ula socdaa xiisadda ka taagan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, waxaan labada dal ee deriska ah ku boorinayaa inay is xakameeyaan and galaan wadahadalka ay IGAD hoggaamineyso. Nabadda Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya waxay muhiim u tahay xasiloonida Gobolka..”

Ad

Dowladda Somaaliya ayaa dalka Kenya ku eedeysay inuu soo hubeeyay jabhad fallaago ah oo weerar ku qaaday magaalada Beledxaawo, waxaana hore u jirtay waanwaan ay labada dal ka dhex waday IGAD si xal loogu helo xiriirka xumaaday ee labada dal, laakiin Kenya ayaa beenisay eedeynta Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON