Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu dib loogu soo celiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda.
Wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida in si degdega loogu laabto geedi socodka wadahadalka iyo gorgortanka; isagoo xaqiijiyey taageerada Midowga Afrika iyo Howlgalka AMISOM) ka qaadanayaan hannaanka Doorashada.
Gudoomiyaha Midowga Afrika wuxuu caddeeyay in Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsanaan doona siyaasada Soomaaliya loo magacaabi doono, sida dhaqsiyaha badan.
Guddoomiyuhu wuxuu soo dhaweynayaa doorka hoggaamineed ee loo igmaday Ra’iisul Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan iyo sugidda amnigeeda.
Dhnac kale Guddoomiyuhu wuxuu u mahadcelinayaa daneeyayaasha Soomaaliyeed sida ay u ajiibeen baaqii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee ahaa in ay u hoggaansamaan heshiiskii Sebtember 2020 ee ay wada qaateen dhammaan daneeyayaasha oo ah dariiqa ugu macquulsan ee lagu abaabuli karo doorashooyinka sida ugu dhaqsaha badan.
