Midowga Afrika ayaa Madaxweynihii hore dalka Ghana John Dramani Mahama u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka shaqeyn doona Arimaha Doorashooyinka iyo xalinta caqabadaha hortaagan.
Guddoo Midowg Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa caawa ku dhawaaqay magacaabista ergeyga csuub, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista John Dramani Mahama, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Ghana, inuu noqdo Wakiilkiisa Sare ee Soomaaliya.
“Madaxweyne Mahama wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyayaasha Soomaalida, si loo gaaro tanaasul la wadar oggol yahay oo ku aaddan xal loo dhan yahay oo laga gaaro qabashada doorashooyinka Soomaaliya muddada ugu yar ee ugu macquulsan:” ayaa lagu yiri qoraalka guddoomiyaha Midowga Afrika.
Ergayga cusub ayaa taageeri doona AMISOM, si loo hubiyo in dadaallada dhexdhexaadinta iyo howlgalka taageerada nabadda. Guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya inay si daacadnimo leh uga wada xaajoodaan, isla markaana ay danta Soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed ka hormariyaan wax kasta oo kale.
Guddoomiyaha Midwoga Afrika wuxuu dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka ka codsaday inay taageero u fidiyaan Wakiilka Sare, kaasoo maalmaha soo socda tegi doona dalka Soomaaliya.
John Dramani Mahama waa siyaasi kasoo jeeda dalka Ghana wuxuuna Madaxweyne dalkaasi ka noqday July 2012 ilaa January 2017. Wuxuu markii hore ahaa madaxweyne ku xigeenka Ghana sanadihi 2009 ilaa 2012, wuxuna xilka madaxweynaha la wareegay markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaasi John Atta Mills.
