Faahfaahin dheerad aha ayaa laga helayaa qarax weyn oo Galabta ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaasoo dhaliyey qasaare xoog leh.
Wraarka ayaa sheegaya iyo Gaari qaraxyo laga soo buuxiyey ay ku joojiyeen ciidamada Amniga meel u dhow Guriga Guddoomiyaha degmada, bale ruuxii is-miidaamiyaha ahaa ee Gaariga qaraxa waday uu diiday inuu joojiyo Gaariga kadibna ay rasaas ku fureen, sidaasina uu ku qarxay.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa geystay burbur xoog leh ayaa la sheegay inuu ku socday Buundada degmada Jalalaqsi, wuxuuna burburiyiyey dhismooyin badan oo uu ku jiro xarunta iyo Guriga Guddoomiyaha, iyadoo uu ku dhintay Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Dabaashe.
Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhintay Duqii magaalada Jalalaqsi Duqii degmadaasi Aden Maxamed Ciise. Dadka dhintay ayaa ka badan 10 qof, waxaana weli la la’ yahay dad badan oo laga cabsi qabo inay burburka ku hoos jiraan.
Alshabaab ayaa sidoo kale qarax ku burburisay isla maanta Buundada magaalada Buuloburte oo inta badan uu saameeyay qarax lagu beegsaday.