Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa jawaab kulul u diray Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo dhowaan shaaciyey in raashinka yaala Puntland aan laga bixin karin loona iib geyn karin degaano kale.
Guddoomiyaha Cali Jeyte ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay tahay hanti qaran oo umadda Soomaaliyeed ka dhaxeysa, isla markaana ay reero maamulaan ama dowlad Goboleedyo iyadoo dekadda kaliya ee Soomaali u sidam tahay ay tahay tan Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in Hiiran ay tallaabo qaadi doonto haddii aanu Madaxweynaha Puntland ka noqon arrintaasi iyo dhibaatada aan jirin ee uu abuurayo.
“Waxaa halkan laga qaadaa Khudaartii, xoolihii iyo subigii, waxaana la geeyaa oo looga nool yahay Bosaso iyo Garowe. Haddii aan aanan laga noqon go’aankaas, dekedaha kale ee dalka ayaan u wareegaynaa, wax kasta oo Puntland naga aadayana canshuur labo jibaar ah ayaan saaraynaa,” ayuu yidhi G/Jeyte oo ku hanjabay in Tanngii Yaanyo ah ay 20 doolar saari doonaan xabadii Qare (Xabxab) ah ee Puntland ku socdana ay 5 doolar saari doonaan si ay uga jawaabaan arrinta ka timid Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa intaas ku daray inaysan adduunka hadda jirin meel ganacsigii laga xiray ama cunto la’aani ka dhacday. Balse kaliya dhibaatada taagan ay tahay cudurkaan soo kordhay ee Coronavirus, wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu caqli celiyey inuusan abuurin xaalad aan jirin.