Sunday, December 8, 2024

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo la saftay Farmaajo iyo (Go’aan cusub)

Guddoomiyaha Gudiga Xalinta khilaafaadka Doorashada dadban ayaa sharci darro ku tilmaamay Doorashada ka socota Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo tan laga qabanqaabinayo magaalada Garbahaarey.

Maxamed Cawil oo si shaqsi ah go’aankan usoo saaray xilli ay xubno ka mida Guddigiisa ku sugan yihiin Garbahaarey ayaa sheegay in labada doorasho ay baalmarsan yihiin Hannaanka Doorashada iyo Heshiisyadii Doorashada..

Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ku mowqif noqday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Faramajo, waana markii labaad ee uu qaato mowqif iskiisa ah oo uu go’aan uga gaarayo arrin ku saabsan doorashada.

Ad

Maxamed Cawil wuxuu hore iskiis usoo saaray qoraal uu ku sheegay n kursiga HOP086 aan wax dacwad ah laga keenin oo lagu socon karo doorashadiisa, waxaana go’aanadiisa ay kasoo horjeedaan habka shaqada Guddiga oo go’aannada ku gaara cod hal dheeri ah, kana jwaaba dacwadaha loo gudbiyo.

  “Guddiga Xalinta khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbar yaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomi Guddiga Xalinta khilaafaadka.

Guddiga FEIT ee heer federaal iyo Guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa wada Doorashada Ceelwaaq, halka xubno ka midda Guddiga FEIT iyo xalinta Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON