Thursday, March 20, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada oo ka hadlay Arrinta Prof. Jawaari iyo eedeyn loo jeediyay

Gudoomiyaha guddiga doorashada heer federal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa sheegay inay cabashooyin badan soo gaareen oo ku saabsan maamulka Doorashada Golaha Shacabka, sida xaaladda guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Guddiga Heer federaal ayuu sheegay inay leeyihiin waajibaad gaara oo korjoogteyn iyo hubin ah, balse dhibaatada jirta ay tahay in cabashada laga jeediyo ama aado warbaahinta, iyadoo ay tahay inay guddiyada doorashada u gudbiyaan ama guddiga xalinta khilaafaadka.

Maxamed Xasan Cirro Wuxuu sheegay in arinta Prof. Jawaari ay ka Warr hayaan ayna diyaarinayaan kulan ay la yeeshaan, si xaaladda warbixin looga helo, wuxuuna intaasi ku daray in Guddiyada Doorashada heer dolwad Goboleed iyo heer Federaal ay ka is kabayaan.

Ad

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa lagu eedeeyay inuu ku xiran yahay Villa Somaliya, isla markaana uu ka talo qaato.

Musharax C/raxmaan Tuuryare oo u taagnaa doorashada Kursigii HOP067 ee ka dhacday Dhuusamareeb oo uu kusoo baxay taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa sheegay in dacwadooda ay gaarsiiyeen Guddiyada Doorashada, balse dhibaatadda qabsatay ay ahayd in guddoomiye Cirro uu joojin waayhy Doorashadii socotay, markii si toos ah iyagoo la jooga uu lasoo hadlay ninka maamulka Hay’adda NISA, sida uu yiri.

Waxaa hore u jiray warar sheegaya in awoodda Guddiga Doorashada heer federaal ay la wareegeen Guddiyada Doorashada Dowlad Goboleedyada oo si toos ah uga amar qaata madaxda Maamul Goboleedyada.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON