Sunday, March 16, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal oo xilkii ka xayuubiyey Xoghayihii Guddiga

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka ka qaaday Xoghayaha Guud ee Guddiga.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha FEIT ayaa xilkii looga qaaday C/raxiim C/casiis Aadan oo aha xoghayaha Guddiga, kaaso xalay xilli danbe keligiis soo saaray go’aan uu uga hor yimid shaacinta liiska xildhibannada Baarlamaanka 11-aad.

Xil ka qaadista Xoghayaha ayaa loo cuskaday inuu soo saaray Waraaqo keligiis ku gaara, qas ku hayo hannaanka Doorashada, kana shaqeynayo iska horkeenka xubnaha Guddiga, isla markaana muddo saddex jeer ah la siiyey digniin in xilka laga qaaday.

Ad

C/raxiim C/casiis Xiirane ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Guddiga FEIT loo magacaabay 14 bishii Febraayo ee sanadkan 2022, waxaana magacaabay isla guddoomiyaha FEIT oo hadda xilka ka qaaday.

Dhinaca kale Xoghayaha xilka laga qaaday ayaa la xaqiijiyey inuu si toos ah uga amar qaadanayey Madaxtooyada Soomaaliya, oo wada qorshe ay dooneyso inay ku hor istaago Dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo intooda badan la doortay.

Halkan ka akhriso Qorshaha Villa Somaliya u dhigtay ka hortagga Dhaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON