Friday, March 28, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku gacan seyray wareegtadii xilka looga qaaday ee Madaxweyne Waare

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa ku gacan seyray xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, kuna tilmaamay sharci darro.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayuu guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan uu sheegay inuusan xil ka qaadi karin madaxweyne xilligiisa uu dhammaanayo, kuna jira olole siyaasadeed, isaguna u arko inuu halis ku yahay.

Cali Maxamed Carraale ayaa si kulul u weerarray Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo ku tilmaamay uu ku fashilmay hoggaanka Hirshabeelle, wuxuuna tusaale usoo qaatay inuu xalin waayey guddoomiyihii uu u magaacabay degmada Buuloburte markii muddo bil ku dhow uu joogay halkaasi, isagoo muddo 7 maalmood ah kusoo xaliyey.

Ad

Wuxuu sheegay inuusan u hoggaansami doonin warqadda xilka ka qaadista, wuxuuna ku adkeystay inuu isagu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee Gobolka Hiiraan inta laga dooranayo maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON