Saturday, January 25, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka digay Qorshe RW Rooble Doorashada uga wareejinayo Beledweyne

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraani Jeyte Cusmaan ayaa si weyn uga hor yimid dalabka xukuumadda Xilgaarsiinta ee ah in ciidmada dowladda laga saaro magaalada Beledweyne.

Wuxuu eedeyn u jeediyey Ra’iisal wasaaraha, isgoo sheegay inuu wato qoshe doorashada looga wareejinayo magaalada Beladweyne, isagoo weerar toos oo afka ah ku qaaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaa la yaab leh oo wax laga naxo ah in Ra’iisul wasaarihii dalka uu shiriyo wasiirada xukuumadda, kuna dhawaaqo in lasoo celiyo ciidamada magaalada Beledweyne la keenay, waliba iyadoo ay nagu hareereysan yihiin Alshabaab..” ayuu yiri Cali Jeyte .

Ad

Wuxuu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan is-weydiiyay waxa uu Ciidanka Beledweyne la geeyay uga duwan yahay ciidamada jooga Koofurgalbed, Jubbaland iyo Galmudug. “Waxaan is weeydiinayaa Alshabaabka laga difaacaa Guriceel ee la rabo inaay qabsadaan Beledweyne.. ma fahmin waxa ay la micno tahay” ayuuna yiri.

Wuxuu shaaciyey qorshe uu Ra’iisal wasaare Rooble doonayo inuu doorashada uga wareejiyo magaalada Beledweyne. “Dadka reer Hiiraan waxaan idiin sheegayaa haddii doorashadu ay ka wareegto magaalada Beledweyne waxaa ka masuul ah ra’isul Wasaaraha, arrinkaasna wuxuu damqinayaa boogo hore oo loo iloobay”.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON